|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in Beesha Caalmka ay dayacaday wax ka qabashada Dhibaatooyinka ka Taagan Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Seyoum Mesfin oo wareeysi qaas ah siinayay Wakaalada Wararka ee Dalka Itoobiya ee ENA ayaa sheegay in Wadamada waa weeyn ee caalamka in ayasan Bixin wax yaabihii lagama Maarmaanka u ahaa in la taageero Dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in Soomaliya ay dayaceen.
Seyoum Mesfin oo wareeysiga bixiyay kadiab markii uu ka laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arinta Xasilinta Dalka iyo Dhisida hay’ado ka shaqeeya Arimaha Ammaanka ee Soomaaliya ay tahay mid si weeyn loogu Baahan yahay si wax looga Qabto xaaladaha Amaan dari ee ka jira Wadnka Soomaaliya.
Wasriika ayaa sidoo kale sheegay in jiritaanka Xasiloonida iyo nabada ka hana qaada wadanka Soomaaliya ay tahay mid aan su’aali ka taagneeyn si meel looga gaaro horumar iyo dimuquradiyad uu yeesho Dalka Soomaaliya.
“Ethiopia iminka waxaa ay isku dayeeysaa in ay iskaashi la sameeyso dhoowr wadan oo African ah oo iminka la soconaya Jiritaanka iyo Gacan siinta beesha caalmaka ee Arimaha Somalia” Ayuu Yiri Seyoum Mesfin.
Sidoo kale Seyoum Mesfin waxaa uu intaa ku daray in nabad ka hana qaada wadanka Soomaaliya ay tahay mid Guud ahaan quseeysa Gobolka.
Hadlka Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan markii uu yimid Dalka Soomaaliya lagu weerarey dhoowr Madfac oo lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada ee Vila Soomaaliya xili uu ku jiray kulan uu la lahaa Maxweeyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
|